Askar iyo Sarkaal lagu weeraray magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa maanta ka dhacay howlgallo kala duwan oo ay fuliyeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, islamarkaana lagu beegsaday askar iyo sarkaal katirsan dowladda federaalka.

Weerar ka dhacay degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho waxaa lagu beegsaday sarkaal labo xidigle ah oo katirsan booliiska laguna magacaabo Nuur Xawaadle.

Rag katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa rasaas la dhacay gaariga Nuur Xawaadle oo marayay qeybo kamid ah degmada Xamar Jajab, waxayna gaarsiiyeen dhaawac halis ah.

Sidoo kale rag hubeysan ayaa isgoyska Bakaaraha ee Muqdisho ku toogtay askari katirsan ciidamada dowladda federaalka, iyagoona markaa kadib goobta ka baxsaday.

Sidoo kale degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho waxaa weerar ka dhacay lagu dhaawacay labo askari oo katirsan ciidamada dowladda federaalka.

Dhamaan howlgalladaas waxaa masuuliyadooda sheegtay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.