Askar katirsan Dowladda Federaalka Oo lagu dilay Muqdisho.

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa ku warmaaya in qarax culus oo ka dhacay suuqa Bakaaraha lagu dilay askar katirsan ciidamada dowladda federaalka.

Goobjoogayaal ayaa soo sheegay in qaraxan uu beegsaday ciidamo katirsan kuwa dowladda federaalka, islamarkaana ay ku dhinteen ugu yaraan labo askari.

Goobta waxaa soo gaaray ciidamo katirsan kuwa dowladda federaalka, oo rasaas u riday jihooyinka, kadibna qaatay meydadka labada askari ee laga dilay.

Weerar midkaas lamid ah ayaa degmada Afgooye ee Shabeellaha Hoose waxaa lagula beegsaday askar katirsan kuwa dowladda federaalka.

Tiro ciidamo ah ayaa ku dhaawacmay weerarkaas, waxaana howlgalladan ay qeyb ka yihiin howlgallada ay fulinayaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.