Askar lagu dilay Baydhabo iyo Bariire.

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa ku waramaya in qarax xoogan lala eegtay ciidamo katirsan kuwa maamulka Koonfur galbeed ee uu hogaamiyo Lafta gareen.

Qaraxa ayaa ka dhacay Maanya fuulka Baydhabo, waxaana lagu dilay labo askari oo katirsan ciidamada maamulka Koonfur galbeed.

Qaraxa kadib waxay ciidamadu rasaas u rideen jihooyinka, iyagoo ka cabsi qabay in lala beegsado weeraro kale.

Dhanka kale, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay weerar toos ah ku qaadeen ciidamada dowladda federaalka ee jooga deegaanka Bariire.

Weerarkan waxaa lagu dilay afar askari oo katirsan ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwii ilaalada ka hayay saldhiga la weeraray.

Weerarka kadib, waxay ciidamada Mujaahidiinta kusoo laabteen halkii ay ka duulaan tageen.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.