Corona oo gaaray Pentagonka iyo Wasiir Maraykan ah oo La karantiilay.

Waaxda difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka Ayaa waxaa ku fidaya cudurka argagaxa ku beeray wadamada reer galbeedka kaasi oo kasoo bilowday dalka Shiinaha.

Shalay oo isniin ahayd Pentagon-ka wuxuu shaaca ka qaaday in Wasiirka difaaca Maraykanka Mark Esber iyo kuxigeenkiisa la karantiilay, kadib markii la ogaaday in 37 ka mid ah shaqaalaha wasaarada uu ku dhacay viruska cusub ee corona.

Wasiirka ayaa la rumaysanyahay inuu tacaamul iyo gacan qaad la yeeshay dadkaasi oo isugu jiray saraakiil,ciidamo iyo shaqaalle katirsan waaxda difaaca Maraykanka ee Pentagon.

Mas’uuliyiin katirsan dowladda Maraykanka ayaa warbaahinta usheegay in 18 ka mid ah dadka uu ku dhacay fayrasku corona gudaha Pentagonka ay ahaayeen ciidan ka diiwaangashan waaxda.

Tani waxay sii laba jibaartay Cabsi xoog leh oo ka jirtay in virusku ku faafo qeybaha kala duwan ciidamada Mareykanka.

Boqolaal katirsan shaqaalaha waaxda ayaa la baaray 24 saac ee lasoo dhaafay xili dowladdu sheegtay inay xoojin doonta howlaha ku saabsan baaritaanada lagu ogaanayo cudurka.

Tira koob laga sameeyay goballada Maraykanka ayaa lagu sheegay in 65 qof ay u dhinteen cudurka , waxaana hadda cudurka la xanuunsan  3,500 oo ruux.

Dowladda Trump ayaa xaalad degdeg ah kusoo rogtay wadanka iyadoo hakisay duulimaadyadii iyo ganacsigii kala dhaxeeyay Yurub si ay uyaraysi faafitaanka cudurka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.