Corona Oo weli sii faafaya iyo Trump Oo la sheegay inuu ka caafimaad qabo.

Waxaa weli aduunka ka taagan xaaladda ka dhalatay cudurka sii faafaya ee Corona virus, kaas oo kasoo billowday wadanka Shiinaha, islamarkaana dilay kumanaan ruux oo wadamo kala duwan kasoo jeeda.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo maalmahan la isla dhexmarayay inuu qabo  cudurka Corona islamarkaana diiday in laga baaro ayaa hadda waxaa la ogaaday inaanu ku dhicin cudurkaas.

Dhakhtarka gaarka ah ee Trump oo warbixin soo saaray ayaa sheegay in madaxweyne Donald Trump uu hadda caafimaad qabo, laguna sameeyay baaritaan kaas oo lagu ogaaday in viruska Corona uusan qabin.

Maqrib,waxaa lagu soo waramayaa in Corona uu ku dhacay wasiirka arimaha gaadiidka ee xukuumadda wadankaas, islaamrkaana hadda lagu karantiilayo meel gaar ah oo uu ku xareysnaan doono muda labo todobaad ah.

Haweeneyda Ra’iisul wasaaraha Spain ayaa iyadana waxaa lagu soo waramayaa inuu ku dhacay xanuunka Corona virus.

Dhanka Talyaaniga, waxaa aad usii kordhaya tirada dadka u dhintay Corona, kuwaas oo marba marka ka dambeysa sii kordhaya, waxaana saacadihii lasoo dhaafay oo keliya geeriyooday 157 ruux, taas oo dhimashada guud ee cudurka ka dhigeysa 1441 qof.

Aduunka ayaa aad looga hadal hayaa viruska Carona, kaas oo halis ku haya nolosha dad badan, waxaana uu sidoo kale dhulka la galay dhaqaalaha caalamka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.