Cudurka Carona Virus oo Dhulka la galay Dhaqaalaha wadanka Talyaaniga.

Talyaaniga oo ah wadan kamid ah qaaradda Yurub,  waa wadanka sadexaad ee ugu dhimashada badan marka laga hadlo viruska cusub ee caalamka halakeeyey, kaas oo loogu magacdaray Carona Virus.

Boqllaal ruux oo Talyaani ah ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay cudurka Carona ugu dhintay wadankaas, waxaana weli uu cudurku kusii faafayaa qeybo horleh oo kamid ah wadanka, iyadoo dhaqaatiirtu ay weli la tacaalayaan.

Marka laga soo tago dadka u dhimanaya cudurka, wuxuu Carona virus dhulka la galay dhaqaalaha wadanka Talyaaniga, maalin welibana wuxuu wadankan khasaarayaa balaayiin dollar.

Waxaa gebi ahaanba joogsaday safarradii ay dalxiisayaasha iyo dadka danaha ka leh wadanka Talyaaniga ay ku imaanayaan wadankaas, iyadoo dhanka kale aaney jirin dad ka safraya Talyaaniga oo aadaya wadamada caalamka.

Taasi waxay keentay in garoonka diyaaradaha ee magaalada Millano oo keliya uu khasaaro safarrey cadadooda lagu qiyaasay maalin kasta 100 kun oo qof, si kale haddii loo dhigo waxay ka dhigantahay in shaqadii garoomada Talyaaniga ay istaagtay.

12% dhaqaalaha Talyaaniga wuxuu ku tiirsanaa arimaha dalxiiska, haddii aaney jirin dad imaanaya wadanka, waxaa gebi ahaanba joogsaday howlihii dalxiiska, iyadoo ay Meesha ka baxday dhaqaalihii usoo xaroonayay wadanka.

Waxaa sidoo kale gebi ahanaba la xiray iskuullada, Jaamacadaha iyo goobaha isku imaatinnada, taas oo Iyana Meesha ka saartay dhaq dhaqaaq weliba oo ganacsi oo uu lahaa wadanka.

Qiimeyn la sameeyey ayaa lagu sheegay in dhaqaalaha dowladda Talyaaniga kasoo galayay arimaha waxbarashada uu la ekaa sanadkiiba 360 milyan oo lacagta Yoroga ah.

Masuuliyiinta ganacsiga iyo arimaha dalxiiska ee dowladda Talyaaniga ayaa sheegaya iney qiyaasayaan in maalmaha soo socda ay Meesha ka baxaan 31 milyan oo ruux oo arimo dalxiis u imaanayay Talyaaniga.

“xaaladda ka jirta dhanka dalxiiska waa mid aad u xun” ayay tiri haweeney madax ka ah ganacsiga iyo dalxiiska dowladda Talyaaniga, taas oo sheegtay in wararka lagu faafiyo baraha Internetka ee ku aadan faafitaanka  cudurka ay ka daranyihiin Carona laftihiisa.

Khubarada ka faallooda arimaha dhaqaalaha ayaa sheegaya in dowladda Talyaaniga ay khasaari doonto tobanaan bilyan oo dollar maalmaha soo socda, haddii cudurka Carona Virus uu sidiisa kusii socdo.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.