Dad iyo Duunyo badan Oo ku dhintay gobolka Qorraxay ee Soomaali-galbeed.
Dad iyo duunyo badan ayaa ku dhintay degmada shilaabo ee gobolka qorraxay oo kamid ah dhulka soomaali galbeed ee ay xabashidu heysato.
Odayaasha dhaqanka ee degmada ayaa sheegay in arrintan ay ka dhalatay sun ay muddo ku dhow 20 sano ka hor ay halkaa ku daadiyeen shiinihii shidaalka ka qodayay hayeeshee ku fashilmay, inkastoo ay haatan itoobiya dib usoo cusbooneysiisay mashruucaas.
Dadka qaar wey dhintaan markey tagaan goobihii sunta lagu daadiyay, qaar wey qallalaan, halka xooluhuna dhammaanayaan.
Degmada shillaabo ayaa waxaa ku jira shidaal badan iyadoo Itoobiya ay haatan wado qorshe ay shidaalkaasi ku soo saareyso, waxaana jirta siyaasad guud oo ah in Soomaalida laga barakiciyo degmadan.