Dhimashada Corona virus oo gaartay inkabadan 11 Kun oo ruux.

Waxaa aad usii kordhaya tirada dadka u dhimanaya cudurka Corona virus oo ku faafaya wadamo badan oo katirsan Caalamka, waxaana dhimashada guud ay hadda kor u dhaafeysaa 11 kun oo ruux.

Talyaaniga oo kaalinta koobaad kaga jira wadamada uu cudurku sida adag u halakeeyey ayaa tirada dhimashada waxay gaareysaa 4032 qof, iyadoona shalay oo keliya ay dhinteen dad gaaraya 627 qof.

Ra’iisul wasaaraha Talyaaniga wuxuu sheegay iney xaaladu faraha ka baxday, islamarkaana aaney jirin wax tallaabo ah oo ay qaadi karto dowladda, si loola tacaalo dadka uu soo ridanayo, ama loo yareeyo tirada cusub ee qaadeysa.

Maraykanka ayaa isagana wuxuu kamid yahay wadamada uu sida ba’an ugu faafayo Corona, waxaana tirada guud ee dadka uu soo ritay Maraykanku ay gaarayaan 19624, iyadoona la sheegayo in saacadiiba uu soo rito dad kabadan kun ruux.

Shiinaha oo ahaa dalka uu kasoo billowday cudurkan ayaa waxaa lagu soo waramayaa in saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay aaney jirin dad cusub oo uu soo ritay cudurka, waxayna Shiinuhu sheegayaan iney ” ka adkaadeen xanuunka”.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.