Dilal Qorsheysan oo Caawa ka dhacay Muqdisho iyo duleedkeeda.

Saacadihii laso dhaafay, gaar ahaan caawa fiidkii waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay weeararo qorsheysan oo lagu beegsaday askar iyo saraakiil katirsan ciidamada Booliiska Dowladda federaalka.

Xaafadda Sancaa ee degmada Yaaqshiid magaalada Muqdisho, waxaa lagu dilay ugu yaraan labo askari oo katirsan ciidamada Booliiska dowladda federaalka.

Rag bastoolado ku hubeysan ayaa fuliyay dilalka, waxaana markaas kadib ay goobta uga baxsadeen si nabadgeliyo ku dheehantahay.

Sidoo kale, xaafadda Nasteexo ee degmada Madiina waxaa lagu toogtay sarkaal katirsan ciidamada Dowladda federaalka kaas oo magaciisa lagu sheegay Col Weydow, oo katirsan saraakiisha Booliiska.

Dilalka dhacay waxaa kamid ah, howlgal lagu beegsaday xubin katirsan maamulka dowladda federaalka ugu magacaaban deegaanka Ceelasha biyaha, kaas oo lagu magacaabo Maxamed Dafe.

Sarkaalkan ayaa laga furtay hubkii uu ku hubeysnaa,waxaana masuuliyadda dilalkan sheegtay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.