Dowladda Federaalka Oo shaaca ka qaaday in Coronavirus uu soo gaaray Soomaaliya.

Wasaaradda Caafimaadka ee dowladda federaalka ayaa shaaca ka qaaday iney gacanta ku dhigeen qofkii ugu horeeyay ee Soomaali ah ee qaba caabuqa Coronavirus oo ka dillaacay aduunka, dhawaanna soo gaaray Kenya iyo Itoobiya.

Wasaaradda Caafimaadka waxay sheegtay in qofka qaba cudurka lagu hayo goob gaar ah, islamarkaana lala tacaalayo xaaladiisa.

Waxay dowladda federaalka sidoo kale shaaca ka qaaday in labo todobaad ay hakiyeen duulimaadyada diyaaradaha ee imaanayay Soomaaliya, si looga gaashanto faafitaanka cudurka Coronavirus.

Waa kiiskii ugu horeeyay ee cudurkaas oo soo gaaray Soomaaliya haddii uu dhab noqdo warka wasaaradda caafimaadka ee dowladda federaalka.

Cudurkan ayaa ku faafaya qeybo badan oo kamid ah caalamla, waxaana hadda lagu waramayaa iney socoto tijaabada tallaal lagula tacaalayo xanuunkan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.