Duqeymo lagu garaacay Saldhiga ciidamada Jabuuti ee Jalalaqsi.

Guutooyinka madaafiicda ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa duqeyn xoogan ku garaacay saldhiga ciidamada Jabuuti ay ku leeyihiin degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Dhowr baalooto oo ka dhacda qoriga hoobiyaha ayaa lagu asqeeyey saldhiga ciidamada Jabuuti, halkaas oo ay deganyihiin boqollaal askari oo katirsan ciidamada Jabuuti, Shisheeyahana ku garab siinaya duulaanka uu kusoo qaaday Soomaaliya.

Waxaa lagu soo waramayaa in waxyeello kala duwan ay ka dhasheen duqeymahan, kuwaas oo gaaray ciidamada Jabuuti, haseyeeshe faafaahin rasmi ah lama helin.

Guutada Madaafiicda ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sii laba laabtey howlgallada duqeymaha ah ee ay ku garaaceyso saldhigyada ciidamada Shisheeyaha, dhawaan ayayna ahayd markii dhowr madfac ay ku rideen xerada Xalane, kuwaas oo ay ku dhaawacmeen labo sarkaal oo cadaan ah.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.