Duqeyn waxyeelo ay kasoo gaartay dad rayid ah oo ka dhacday Kuunyo Barrow.

Diyaaradaha Maraykanka ayaa xalay markale duqeyn ay waxyeello kasoo gaartay dad shacab ah ka gaystay deegaanka kuunyo barrow ee shabeelaha hoose.

Laba gantaal ayaa ku dhacay  guri ay deganaayeen qoys kamid ah dadka ku dhaqan Kuunyo barrow, waxaana halkaasi ku dhaawacmay hooyo.

Hooyada oo heysata shan caruur ah ayaa la geeyay isbitaal maxali ah oo lagula tacaalay xaaladeeda caafimaad,

Nasiib wanaag ma jirin waxyeelo soo gaartay caruurta balse waxay la saseen jugta gantaalaha.

Seynab Abuubakar ayaan la kulanay iyadoo dul saaran sariirta oo ay hareer joogaan hooyooyin soo booqday waxayna sheegtay inay ka dhaawacantay Lugta.

Qof kale oo dhalinyaro ah islamarkaana ka shaqeyta harqaanka ama dawaarka ayaa ku dhaawacmay duqeynta.

Waayihii danbe Maraykanka waxa uu sii laba jibaaray duqeymaha aanan kala sooc lahayn ee diyaaradihiisu ka gaysteen shabeelaha hoose.

You might also like
1 Comment
  1. maxamed says

    allah umada muslimiinta haka qabto cadowga Allah

Leave A Reply

Your email address will not be published.