Faafaahin laga helayo Duqeyntii Xerada Xalane ee Muqdisho.

Waxaa faafaahin dheeraad ah laga helayaa duqeyntii maalintii shalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku garaaceen xerada Xalane oo ah taliska ugu weyn ee Shisheeyaha ku leeyahay Soomaaliya.
Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in ugu yaraan labo sarkaal oo cadaan ah ay ku dhaawcmeen, halka sidoo kale uu dhulka la simmay mid kamid ah dhismayaasha ku yaala gudaha Xalane.
Dhanka kale, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay waxay weerareen ciidamada dowladda federaalka iyo Shisheeyaha ku sugan qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose.
Bariire iyo Awdheegle ayaa lagu weeraray askarta dowladda federaalka iyo kuwa Shisheeyaha, waxaana la rumeysanyahay inuu jiro khasaare gaaray dhinacyadaas.
Halkan ka dhagayso Faafaahin laga helayo duqeyntii xerada Xalane