GaaMbiya Oo uu ka dhamaaday Geed laga sameyn jiray Alwaaxyada.(WARBIXIN)
Gambiya, waa dal dhaca galbeedka qaaradda Africa, waxa uu leeyahay keymo ballaaran oo ay ka baxaan geedaha dhaadheer, haseyeeshe waxay hadda isku bedeleen goobo saxaro lama degaan ah, kadib markii la jaray geedahaas.
Mid kamid ah geedaha sida xad dhaafka ah loo jaro waa geed dheer oo loo adeegsado sameynta Alwaaxyada lagu dhiso guryaha, waxaana geedkan si xad dhaaf ah loogu dhoofiyaa wadanka Shiinaha.
Baaritaan la sameeyey waxaa lagu ogaaday in tan iyo sanadkii 2017-ka, dalka Gambiya laga dhoofiyay 360 tan oo geedkaas ah, kuwaas oo loo iib geeyay wadanka Shiinaha.
Tani waxay keentay in keymo ballaaran oo ku yaalay wadanka Gambiya ay hadda u ekaadeen saaro lama degaan ah, islamarkaana ay ku yaalaan oo keliya geedo fara kuturis ah.
Hadda keymihii ballaarnaa ee Gambiya waa goobo haawanaya oo ay ku yaryihiin geedaha, waxaana hay’adaha sheegta iney u doodaan xuquuqda deegaanka ay xaqiijinayaan in nus milyan geedka alwaaxa laga sameeyo ah sanadihii lasoo dhaafay loo iib geeyey Shiinaha.
Sinigaal oo deris la ah Gambiya ayaa hadda laga keenaa geedahaas, kuwaas oo loo iib keeno Gambiya oo ay jooogaan ganacsato shiines ah, oo si qarsoodi ah u iibsada geedahaas, kadibna u safriya wadankooda.
Inkastoo dowladaha labadan dal ay ka ganacsiga geedahan u arkaan kuwa sharci darro ah oo aan la ogoleyn, cidii lagu arkana tallaabo laga qaadayo, hadana si qarsoodi ah ayuu weli u socdaa ka ganacsiga geedahaas, waxaana ugu wacan musuq maasuqa iyo awooda dowladahas oo liidata.
Dowladaha Caalamka ayaa ilaashada dhirta ka baxda wadamadooda, maadaama ay muhiim u tahay nolosha banii Aadamka iyo bad qabka bii’ada, waxaana dalalka dhirtooda ilaashada ay doonayaan iney helaan dhirta wadamada kale ee aan lahayn dowlada awood leh.
Shiinaha oo kale waa dal galaan gal ku leh ganacsiga Africa, waana dalka ugu badan ee Africa ka dhoofiya dhirta, gaar ahaan tan waaweyn, si uu uga soo sameeyo Alwaaxyo loo adeegsado dhismaha oo uu u iib geeyo caalamka.
Soomaaliya, waxaa hadda fara ba’an ku haya dadka shita dhuxusha, oo jara geedaha dhaadheer ee bii’ada u wanaagsan, waxaana inkastoo laga mamnuucay wilaayadka islaamiga ay hadana dadkaas weli ka jaraan deegaannada ay Shisheeyuhu joogaan.
Waxaa hadda mudooyinkii sidoo kale soo badanayay in la jaro dhirta gaar ahaan tiirarka oo lagu dhiso guryaha jiingadaha, waxaana haddii si xad dhaaf ah loo jaro geedahaas ay shaki la’aan dhib ku keeni doontaa bii’ada iyo deegaanka.