Gudoomiyaha Qooqaani oo Isku dey dil ka badbaaday iyo Weeraro ka dhacay Goobo kala duwan.

Gudoomiyaha deegaanka Qooqaani ugu magacaaban maamulka Jubbaland ayaa ka badbaaday isku dey dil oo lagu doonayay in lagu khaarijiyo, kadib markii uu weerar kala kulmey ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Weerarka kamiinka ah ayaa ka dhacay wadada xiriirisa Afmadow iyo Qooqaani, waxaana lagu dilay askari la socday gudoomiyaha, halka ay sidoo kale ku dhaawacmeen labo askari oo kale.

Gaari nooca raaxada ah ayay weerarkan kamiinka ah ku gubeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Dhanka Baay, qarax ayaa ka dhacay gudaha degmada Qansaxdheere ee gobolkaas, kaas oo lagu beegsaday ciidamo katirsan kuwa Koonfur galbeed, waxaana qaraxaas ku dhaawacmey hal askari.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxay habeenkii xalay weerar culus ku qaadeen saldhiga ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, lama oga khasaaraha ka dhashey weerarkan.

Shabeellaha Hoose, waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerar ku qaadeen saldhigyada ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa dowladda federaalka ay ku leeyihiin degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamo kale oo soomaali ah oo ka baxay Jannaale ayaa iyagana waxay la kulmeen weerar kamiin ah, lamana oga khasaaraha gaaray.

Ugu dambeyntii, ciidamada Jugta culus ee Jabhadda Goolis ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa duqeyn culus ku garaacay saldhiga ay ciidamada maamulka Puntland ku leeyihiin deegaanka Galgala ee buuraha Goolis.

Madaafiic dhowr ah ayaa ku dhacday gudaha saldhiga ciidamada maamulka Puntland, lamana xaqiijin karo khasaaraha rasmiga ah ee gaaray.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.