Gudoomiyihii Raaskambooni ee Maamulka Jubbaland Oo Qarax Lagu dilay.

Wararka ka imaanaya deegaannada xuduud beenaadka ee kala qeybiya Soomaaliya iyo dhulka NFD ayaa ku waramaya in qarax xoogan lala eegtay masuul katirsan maamulka Jubbaland oo ay wehlinayeen ciidamo Soomaaliy iyo Kenyaati ah.

Qaraxa waxaa ku dhintay gudoomiyihii deegaanka Raaskambooni ee maamulka Jubbaland Cabdullaahi Diiriye, iyo saddex askari oo katirsan ciidamada maamulka Jubbaland.

Waxaa qaraxa sidoo kale ku dhaawacmey ugu yaraan  3 askari oo Kenyaati ah, kuwaas oo deegaanka Xuduud beenaadka marayay.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.