Howlgallo Khasaare dhaliyay oo ka dhacay Boosaaso iyo duleedkeeda.

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa ku waramaya in habeenkii xalay ay marti gelisay weerar culus oo lagu beegsaday askar katirsan maamulka Puntland.

Weerarka oo duqeymo madaafiic ah loo adeegsaday ayaa lagu garaacey bar kontorool oo ciidamada maamulka Puntland ku leeyihiin afaafka hore ee dekadda magaalada Boosaaso.

Weerar kale oo qarax loo adeegsaday ayaa lala eegtay gaari ay saarnaayeen saraakiil iyo askar katirsan maamulka Puntland, kaas oo ka dhacay duleedka magaalada Boosaaso.

Qaraxa waxaa ku dhintay sarkaal katirsan qeybta Sirdoonka Puntland oo magaciisa lagu soo koobey Asad.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.