Kenya Oo billaabeysa iney Ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya.

Askari kenyati ah oo ku waashey dagaalka Soomaaliya.

Dowladda Kenya oo duulaan ballaaran kusoo qaaday Soomaaliya Octobar 2011-ka, ayaa lagu soo waramayaa iney wado dadaallo ay ku dooneyso iney ciidamadeeda ugala baxdo gobollada Gedo iyo Jubbooyinka oo ay duulaan ku joogto qeybo kamid ah.

Wageyska Daily Nation oo kamid ah wargeysyada ugu afka dheer ee kasoo baxa Kenya ayaa daabacay warbixin uu ku sheegayo in dowladda Kenya ay wado diyaar garow iyo qaban qaabo ay ku dooneyso iney ciidamadeeda ugala baxdo Soomaaliya.

Wargeyska oo soo xiganaya ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in wasiiradda arimaha Gaashandhiga ee Kenya haweeneyda lagu magacaabo Monica Juma ay wadahadallo la billaabi doonto masuuliyiinta midowga Africa, si la isugu afgarto ka bixitaanka Kenya ee Soomaaliya iyo dallada ciidamada Shisheeyaha ee kusoo duuley Soomaaliya, magaceedana loo soo gaabiyo AMISOM.

Sida ay sheegeyso warbixinta lagu daabacay Daily Nation, waxay Kenya dooneysaa in gebi ahaanba ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya inta aan la gaarin sanadka 2021-da, kolkaas oo ay Shisheeyuhu sheegeen iney gebi ahaanba soo afjarayaan duulaankooda Soomaaliya.

Sagaal sano oo uu jirsaday duulaanka ay Kenya ku joogta Soomaaliya ayaa waxa ay ku weysay kumanaan askari oo kamid ah ciidamadeeda, kadib weeraro kala duwan oo ay kala kulmeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Weeraradii ugu weynaa ee ay la kulmaan ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya waxaa kamid ah weeraradii Ceel Cadde iyo Kulbiyow, kuwaas oo dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen boqollaal askari oo Kenyaati ah.

Waxaa intaa u dheer Kenya in gudaha dhulka Soomaaliyeed ee NFD iyo xeebaha ee ay degaan Muslimiinta ay u gudbeen dagaalyahanno aad u hubeysan oo katirsan Mujaahidiinta, kuwaas oo fuliyay silsilado weeraro ah oo dhegta dhiiga loogu daray askar iyo muwaadiniin Kenyaati ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.