Maamulka Puntland oo Amray in la xiro Masaajidda Corona dartiis.

Maamulka Puntland ee ka arimiyo qeybo kamid ah gobollada wuqooyi bari Soomaaliya ayaa amar kusoo saaray in la xiro dhamaan Masaajidda lagu cibaadeysto iyo xarumaha waxbarashada ee ku yaala deegaannada uu ka arimiyo, sababo ku aadan Corona virus.

Shir jaraa’id oo ay magaalada Garoowe ee caasimadda Nugaal ku qabteen wasiiro katirsan maamulka Puntland ayay ku sheegeen in gebi ahaanba la xirayo masaajidda iyo goobaha waxbarashada, dadkuna ay tahay iney fartoomaan amarka maamulka.

Wasiirrada Caafimaadka iyo Awqaafta maamulka Puntland ayaa amarka jeediyay, waxaana wasiirka Awqaafta uu si gooni ah carabka ugu adkeeyey macallimiinta Dugsiyada Qur’aanka oo uu ku eedayay inaaney u hogaansamin amarka maamulkiisa.

Tallaabadan mid la mid ah waxaa qaaday maamulka Jubbaland, kaas oo isna amar ku bixiyay in la xiro goobaha waxbarashada ee deegaannada uu ka arimiyo, sababo ku aadan cabsida laga qabo Corona virus.

Horay culimada Diinta Islaamka waxay uga digeen in la xiro masaajidda ay ku cibaadeystaan dadka Muslimiinta ah, iyadoo lagu mar marsiyoonayo cudurka Corona virus, waxaana hadda muuqaneysa iyadoo dalka Soomaaliya aaney ka taagneyn halista cudurkaas loo soo dhar dhigtay xirista Masaajidda.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.