Maraykanka Oo billaabay inuu Ciidamadiisa kala baxo Afqaanistaan.

Bayaan kasoo baxay taliska guud ee ciidamada Maraykanka ayaa lagu sheegay in Maraykanka uu billaabay qorshaha uu  ciidamadiisa ugala soo baxayo wadanka Afqaanistaan oo uu duulaan ku joogay tan iyo sanadkii 2001-da.

Ciidamada Maraykanka ayaa sheegay in tallaabadan ay qeyb ka tahay qorshaha uu Maraykanku gebi ahaanba uga soo baxayo wadanka Afqaanistaan oo qaadan doono muda 14 bilood ah, sida uu dhawaan sheegay wasiirka gaashandhiga Maraykanka Mack Sper.

Afhayeen u hadlay ciidamada Maraykanka ee duulaanka ku jooga Afqaanistaan, laguna magacaabo Sony Leget ayaa sheegay in tallaabada ay qaadeen ay qeyb ka tahay fulinta awaamiirta sare ee kasoo baxday wasaaaradda gaashandhiga ee The Pentagon.

Ka bixitaanka ciidamada Maraykanka ee Afqaanistaan ayaa billowgiisa wuxuu kusoo aaday, xilli xukuumadda Kaabul ay leedahay laba madaxweyne, kuwas oo kala ah Ashraf Ghani iyo Cabdalla Cabdalla.

Kaabul waxaa ka dhacay xaflado caleema saar ah oo labadaas nin uu mid weliba ku sheeganayo inuu yahay madaxweynaha xukuumadda Kaabul, waxaana wasaaradda arimaha dibadda ee Maraykanka ay muujisay walaaca ay ka qabto arinkaas.

Dhawaan, ayaa madaxweynaha maraykanka Donald Trump wuxuu sheegay inuu dhamaaday waqtigii uu Maraykanku difaaci jiray maamullada ka jira wadamada caalamka Islaamka, ayna la gudboontahay xukuumadda Kaabul iney iyadu is difaacdo.

Wuxuu hadlayay xilli uu shegay iney kasoo baxayaan Afqaanistaan, islamarkaana ay u muuqato in hogaanka Afqaanistaan ay la wareegi doonto Imaarada islaamiga ee uu hogaamiyo Mowlahi Hibatullaah.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.