Dhageyso Mareykanka oo Galabta Gaari Rakaab Ah Ku Duqeeyay Sh/Hoose Kuna Dilay 4 Qof.

Gabar dhalneyd 20 cisho oo ku dhimatay duqeyn Maraykanku ka fuliyay Kuunyo-barrow. Februarry-2019

War degdeg ah oo goor dhow nasoo gaaray ayaa wuxuu sheegayaa in galabta ay diyaaradaha Mareykanku duqeyn bahalnimo ah u geysteen gaari ay rayid saarnaayeen, meel u dhow degmada Jannaale ee gobolka Sh/hoose.

Sida aan xogta ku heleyno, gaarigan oo usii carraabayay magaalada Muqdisho ayaa waxay ku dileen ugu yaraan 4 qof, kuwaasoo xidid la ahaa qoys caan ka ah gobolka iyo qeybo kamid ah Muqdisho oo la yiraahdo REER XAAJI XAYAYSI.

Dadka ku dhaqan degaanka Ugunji oo ah halka gaariga lagu beegsaday ayaa sheegay iney arkeen wax yaabo indho xumo ah sida hilbaha dadka oo go’go’ay.

Sidoo kale waxaan wareysanay Xaaji Nuur Xaaji Xayaysi oo xidid la ah sadax kamid ah afarta qof ee maanta la duqeeyay.

Mareykanka ayaa sii laba jibaaray duqeymaha wuxuushnimada ah ee uu ku beegsanayo shacabka Soomaaliyeed.

Halkan Ka Degso Wareysiga Xaaji Nuur Xaaji Xayaysi

 

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.