Qarax Askar lagu weeraray oo ka dhacay magaalada Boosaaso.

Habeenkii xalay, waxaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ka dhacay weerar qarax ah oo lagu qaaday ciidamo katirsan maamulka Puntland ee uu hogaamiyo Siciid Deni.

Weerarka qaraxa ah wuxuu si gaar ah u beegsaday bar kontorool oo laga ilaaliyo dekadda magaalada Boosaaso, waxaana weerarka ka dhashey khasaare gaaray ciidamadii goobta joogay.

Ugu yaraan 2 askari oo katirsan ciidamada maamulka Puntaland ayaa waxaa gaaray dhaawac halis ah, kuwaas oo durba la dhigay xarun caafimaad oo uu maamulku leeyahay, halkaas oo lagu dabiibayo.

Aroornimadii hore ee saaka waxay ciidamada Puntaland sameeyeen baaritaanno kooban oo ay ku  sheegeen iney ku ogaanayaan wixii dhacay habeenkii xalay.

Boosaaso waa magaala madaxda gobolka Bari, waxaana gacanta ku haya maamulka Puntland, inta badanna waxay marti gelisaa weeraro qorsheysan oo ay qaadaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ku sugan buuraha Goolis oo ah halkii ay Gumeystaha kula dagaallami jireen Awoowyaasheena.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.