Qaraxyo culus oo Shisheeyaha Lagula eegtay Shabeellaha Hoose.

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ku waramaya in maanta qaraxyo xoogan lala eegtay kolonyo katirsan ciidamada Sisheeyaha oo dhaq dhaqaaqyo milliteri sameynayay.

Ugu yaraan labo qarax oo is xig xigay ayaa ciidamada Shisheeyaha lagula eegtay inta u dhexeysa Nambar60 iyo Buufow, waxaana gaaray khasaare culus.

Ugu yaraan labo gaari oo noocyad TAWGA ah ayaa laga gubay ciidamada Shisheeyaha, waxaana dhimasho iyo dhaawac noqday ciidankii saarnaa.

Qaraxyad ayaa jugtooda laga maqley deegaanno ka baxsan halka ay ka dheceen, waxaana ciidamada Shisheeyaha ay rasaas jihooyinka u rideen markii ay qaraxyada la kulmeen kadib.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sii xoojisay howlgallada ka dhanka ah Shisheeyaha iyo ciidamada dowladda federaalka, gaar ahaan kuwa sugan gobolka Shabeellaha Hoose.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.