Qaraxyo ka dhacay Duleedka Muqdisho iyo Jubbooyinka.

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho iyo Jubbooyinka ayaa ku waramaya in qaraxyo xoogan lagu weeraray ciidamada Dowladda federaalka iyo kuwa Kenyaatiga ah ee duulaanka ku jooga qeybo kamid ah koonfurta Soomaaliya.

Gaari Cabdi bile ah oo ay saarnaayeen askar katirsan ciidamada DANAB oo marayay deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa lala eegtay qarax culus, kaas oo jug xoogan uu gaaray.

Goobjoogayaal ayaa sheegay iney arkayeen gaariga oo gubanaya iyo askarii saarneyd oo dhimasho iyo dhaawac noqday.

Sidoo kale, qarax xoogan ayaa waxaa lala eegtay ciidamo Kenyaati ah oo ka baxay deegaanka Dhoobley ee Jubbooyinka, waxaana gaariga oo ahaa mid gaashaman gaaray burbur xoogan.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee gaaray ciidamada Kenyaatiga.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.