Saldhiga ciidamada Puntland ee Af Urur Oo la duqeeyay.

Guutada madaafiicda ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa duqeyn ku garaacay saldhiga ciidamada maamulka Puntland ee deegaanka Af Urur oo hoos yimaada magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka bari.

Duqeynta oo socotay in muda ah ayaa waxaa lagu soo waramayaa in gantaallada ay ku hoobteen gudaha saldhiga, xilli ciidamadu ay hurdayeen, taasoo ku abuurtay argagax iyo wal wal.

Lama  oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashey duqeyntan, waxaana saldhiga Af Urur uu marar badan la kulmey weeraro culus oo lagu gumaaday ciidamo badan oo katirsan kuwa maamulka Puntland.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.