Saldhigyada Ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa DF ee Jannaale Oo La duqeeyay.

Guutooyinka Madaafiicda ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa duqeymo xoogan ku garaacay saldhigyada ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa Dowladda federaalka ay ku leeyihiin degmada Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ugu yaraan 40 Madfac ayaa la sheegay iney ku hoobteen saldhigyada ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa Dowladda federaalka ay ka sameysteen magaalada Jannaale, waxaana duqeyntu ay isku dhex yaac baahsan ku keentay ciidanka huwanta ah.

Goobjoogayaal ayaa soo sheegay iney arkayeen ciidamada Shisheeyaha oo ka firxanaya saldhigyadooda iyagoo qaarkood kasoo cararay qalabkooda dagaalka, halka ciidamada Dowladda federaalka la arkayay iyagoo cararaya islaamrkaana wal bahaarsan.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa lagu soo waramayaa in duqeyntan xoogan ee dhacday gelinkii dambe ee shalay ay geystay, waxaase la ogeyn tirada rasmiga ah.

Dhanka kale, faafaahin ayaa laga helayaa qarax gelinkii dambe ee shalay duleedka Jannaale lagula eegtay ciidamo katirsan kuwa dowladda federaalka.

Ciidamadan oo saarnaa gaari nooca xamuulka ah ayaa ka baxay Jannaale, waxaana la qarxiyay iyagoo kusii jeeda deegaanka Buufow.

Gebi ahaanba gaariga ayaa burburay, waxaana dhimasho iyo dhaawac noqday dhamaan ciidankii saarnaa, tirada dhimashadana waxaa lagu sheegay 7 askari oo katirsan ciidamada Dowladda federaalka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.