Sarkal katirsan Milliteriga DF Oo Muqdisho Lagu Weeraray.

Waxaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho lagu weeraray sarkaal katirsan ciidamada milliteriga dowladda federaalka, kaas oo ku sugnaa mid kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Cali Jeey oo ah sarkaal katirsan milliteriga dowladda federaalka ayay rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay ku weerareen qeybo kamid ah degmada Dharkeenley ee Muqdisho.

Sarkaalka waxaa gaaray dhaawac halis ah, iyadoona ragga weerarka fuliyay ay goobta isaga tageen.

Goor dambe waxaa dhaawaca sarkaalka qaaday ciidamo katirsan kuwa dowladda federaalka.

Weerarkan ayaa imaanaya, xilli maalintii shalay weerar Nafhurnimo ah lagu beegsaday ciidamada ilaalada xarunta Baarlamaanka ee dhanka Sayidka, waxaana goobta lagu dilay 9 askari, halka lagu dhaawacay inkabadan 23 askari.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.