Shir Garoowe uga furmaya Siyaasiyiinta maamulka Puntland.
15-ka bishaan waxaa Garowe ka furmaya shir siyaasadeed oo bishii lasoo dhaafay ee Febraayo uu ku dhawaaqay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni
Gudi loo xil saaray shirka ayaa sheegaya inay wadaan qaban qaabadii ugu danbeysay shirka oo ay kasoo qeybgali doonaa siyaasiyiin iyo marti kale.
Ujeedka shirka laga leeyahay ayaa ah in Puntlland ay ku hesho garab xili cadaadis xooggan kala kulmeyso dowladda federaalka oo lacago ku kala furtay odayaasha qabaailka.
Puntland ayaa shirka ugu yeertay xubnaha ku matala labada gole ee dowladda federaalka siyaasiyiinta iyo waxgaradka ka soo jeedada deegaanno uu kataliyo maamulkaasi.
Go’aanno wax ku ool ah ayaa laga soo saari doonaa shirka ayuu yiri wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland oo codsaday in la taageero wax kasta oo kasoo baxa shirkooda.
Si kastaba ha ahaatee shirkaan ayaa wuxuu ku soo aadayaa xili uu majaraha goostay khilaafka ka dhex jira dowlada Federalka iyo maamulka Puntland.
Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay iyadoo Shirkaan ay kasoo qeybgali doonaa Siyaasiyiin mucaarad san dowladda federaalka.