Shisheeyaha Oo Dad shacab ah ku diley duqeyn ay ka geysteen Jannaale.
Ciidamamada Shisheeyaha ee duulaanka ku jooga qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose ayaa duqeyn loo adeegsaday madaafiic ku garaacey deegaanka Jannaale ee gobolkaas.
Ugu yaraan 4 ruux ayaa dhimatay, halka ay ku dhaawacmeen 11 kale, kuwaasoo dhamaantoodda ahaa dad shacab ah.
Dadka Jannaale ku dhaqan ayaa tallaabada ciidamada Shisheeyaha ay qaadeen waxay ku tilmaameen mid lagu qalqal gelinayo amaanka kajira Jannaale, kaas oo lagu helay ku dhaqanka Shareecada Islaamka,
Ciidamada duqeynya ku garaacey Jannaale waxay deganyihiin deegaanka Mashallaay, waana SHisheeyaha ka socda dalka Uganda.