Silsilado Weeraro ah oo ka dhacay Gobolka Mandheera ee NFD.

Saacadihii lasoo dhaafay, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa silsilado weeraro ah oo is xig xiga waxay ka fuliyaan gobolka Mandheera ee NFD, kuwaas oo lala eegtay muwaadiniin Kenyaati ah iyo askari katirsan ciidamada dowladda Kenya.

Weerarka hore, waxaa uu ahaa kamiin loo dhigay gaari bas ah oo ay saarnaayeen dad rakaab ah, waxaana ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay u kala sooceen rakaabka Muslimiin iyo Kiristaan, iyagoona goobta ku dilay hal qof oo Kiristaan.

Weerarka labaad waxaa isna lagu qabtay gaari qalab u siday shirkadda isgaarsiinta SAFRICOM oo ah shirkad ay leedahay dowladda Kenya, waxayna Mujaahidiintu gubeen gaariga, iyagoo sidoo kale dilay labo ruux oo Injineero ahaa.

Weerarka sadexaad waxaa lala beegsaday ciidamo Kenyaati ah, kuwaas oo ku safrayay wadada u dhexeysa Jabbi iyo Bambo oo hoostagta Mandheera, halkaas oo ah goobta ay ka dheceen labada weerar ee hore.

Weerarkan sadexaad ma aynaan helin xogta rasmiga ah ee khasaaraha ka dhashey.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay sii laba jibaareen weerarada ay ka fulinayaan dhulka NFD iyo saaxilka ah oo ah dhul ay leeyihiin  Muslimiinta, balse ay xoog ku heysato dowladda Kenya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.