Taliyihii Booliiska Afgooye iyo Ilaaladiisa oo ku dhintay Qarax ka dhacay Lafoole.

Qarax xoogan ayaa goordhow waxaa degmada Lafoole ee gobolka Shabeellaha Hoose lagula eegtay gaari uu watay taliyaha ciidamada Booliiska ee degmada Afgooye Cabdil Qaadir Nuunow.

Qaraxa ayaa waxaa ku geeriyooday taliyaha Booliiska degmada Afgooye iyo 5 askari oo katirsan ilaaladiisa, waxaana ggebi ahaanba burburay gaariga.

Goobjoogayaal ku sugan halka uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in qaraxa uu si adag u haleelay gaariga uu watay taliyaha, islamarkaana uu holac ka kacay gaariga.

Marka laga soo tago sarkaalka iyo shanta askari ee dhimatay, waxaa qaraxan ku dhaawacmey afar askari oo kamid ahaa ciidankii la socday taliye Cabdil Qaadir Nuunow oo ahaa taliyaha Booliiska degmada Afgooye.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka degmada Afgooye oo ku aadna dilka taliyihii Booliiska ee degmadaas iyo ilaaladiisa, waxaana qaraxan uu kusoo aadayaa iyadoo maanta qarax ka dhacya gudaha degmadaas ay ku dhaawacmeen 5 askari oo katirsan ciidamada Dowladda federaalka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.