Taliyihii Sirdoonka Gobolka Sool oo Laascaanood lagu dilay.


Rag hubeysan ayaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool waxay ku toogteen taliyihii Sirdoonka maamulka Puntland ee gobolkaas oo lagu magacaabo Cabdi Qani Guhaad.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in rag bastoolado ku hubeysan ay toogteen taliyaha, kadibna ay goobta si nabad ku dheehantahay uga dhaqaaqeen.

Ciidamada maamulka Soomaali land ayaa wada baaritaanno ay ku sheegeen iney ku raadinayaan ragga dilka geystay, waxaana ciidamo tiro badan lasoo dhoobay wadooyinka magaalada Laascaanood.

Taliyaha la dilay waxaa la sheegay inuu gacanta ku hayay kiiska dil loo geystay gudoomihii maxkamadda gobolka Sool, waxaana tani ay ka dhigantahay in isagana la raaciyay gudoomiyaha Maxkamadda.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.