Trump oo Xaalad deg deg ah kusoo rogay Dalka Maraykanka.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa xaalad deg deg ah oo xiriir la leh cudurka Corona virus kusoo rogay wadanka Maraykanka, kaas oo uu gaaray cudurka, dadna ku dilay.

Trump wuxuu ugu baaqay madaxda gobollad wadanka Maraykanka iney dhisaan xarumo dadka lagu daweeyo, islamarkaana lagu karantiilo, wuxuuna sheegay in meesha ka saari doonaan caqabad kasta oo ka hor imaaneysa mashruucaas.

Waxaa la joojiyay safarro dhowr ah, iyadoona dowladdu ay miizaaniyad gaareysa 50 bilyan oo doollar ugu talagashey xarumaha caafimaadka iyo maamullada gobollada.

Trump wuxuu aad u dhaliilay nidaamka lagu baaro dadka qaba cudurka Corona Virus, isagoo sheegay inuu yahay nidaam aan la isku halleyn karin, islamarkaana jawaabihiisu soo daahayaan.

Madaxweynaha Maraykanka wuxuu sheegay in shirkadaha duulimaadyada ay ogolaadeen in muda sodon maalmood ah ay hakiyaan safarada dalxiiska, taas oo qeyb ka ah ololaha looga hortagayo Corona Virus.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.