Weerar Nafhurnimo ah Oo lagu weeraray Ciidamada Shisheeyaha ee Duulaanka kusoo qaaday Jannaale.

Suuqa ganacsiga ee Jannaale.

Faafaahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa xaalad dagaal oo maanta ka taagneyd qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose, xilli ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa dowladda federaalka ay weerar kusoo qaadeen deegaanno nabdoon.

Qaraxyo gaaraya illaa 4 ayaa lala eegtay ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa dowladda federaalka, xilli ay marayeen inta u dhexeysa Buufow iyo Jannaale oo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose, waxaa qaraxyadaas ku burburay ugu yaraan afar gaari, iyadoo ay jirto khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Marka laga soo tago qaraxyada caadiga ah, waxaa jiray weerar nafhurnimo ah oo lala eegtay ciidamada huwanta ah ee wada dhaq-dhaqaaqyada milliteri.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay sheegtay in khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac ay gaarsiisay ciidamada duulaanka ah ee isuga jira Shisheeyaha iyo kuwa dowladda federaalka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.