Weerar Nafhurnimo ah oo lala beegsaday Ciidamada ilaalada Xarunta Baarlamaanka.

Wararka ka imaanaya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa ku waramaya in weerar nafhurnimo ah lala beegsaday ciidamada dowlada federaalka ee ilaalaa ka haya xarunta ay ku shiraan xubnaha Baarlamaanka dowladda federaalka.

Weerarka Nafhurnimada ah wuxuu si gaar ah u beegsaday ciidamada dowladdda federaalka ee xarunta Baarlamaanka ka ilaaliya dhanka Sayidka, waxaana weerarka ka dhashey khasaare kala duwan.

Warar horudhac ah oo aanu heleyno ayaa xaqiijinaya dhimashada 9 askari iyo dhaawaca 25 kale, kuwaas oo kamid ahaa ciidamada Ilalaada xarunta Baarlamaanka ee dowladda federaalka.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkan nafhurnimada ah ee maanta lagu qaaday ilaalada xarunta Baarlamaanka ee dowladda federaalka.

Muqdisho waxaa si joogta ah uga dhaca howlgallada ay fulinayaan ciidmada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka dhanka ah dowladda federaalka, weerarkan nafhurnimada ahna wuxuu banaanka soo dhigayaa habacsanaanta laamaha amniga ee DF sida ay sheegayaan Siyaaiyiinta.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.