Weeraro lagu qaaday Shisheeyaha iyo DF ee jooga Shabeellaha Hoose.

Waxaa dhacay weeraro isdaba joog ah oo lagu qaaday fariismiyaal qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha hoose ku leeyihiin ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa dowladda federaalka.

Awdheegle, ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Mujaahidiinta ayaa weerar ku qaaday goob isbaaro ah oo ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan kuwa dowladda federaalka.

Dagaalka oo ahaa mid gaadmo ah, muda koobanna socday ayaa waxaa lagu dilay 2 askari oo katirsan ciidamada dowladda federaalka, halka lagu dhaawacay askari kale.

Sidoo kale ciidamada Shisheeyaha ee ku sugan deegaannada Bariire iyo Sabiid ayay xalay weerareen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Waxaa labada deegaan ka dhacay dagaal kulul oo la isku adeegsaday hub kala duwan,  waxaana ciidamada  Shisheeyaha la rumeysanyahay inuu gaaray khasaare kala duwan.

Inta badan xiliyada habeenkii, ciidamada Mujaahidiinta waxay qaadaan weeraro qorsheysan oo ka dhan ah Shisheeyaha iyo ciidamada dowladda federaalka, kuwaas oo gacanta ku haya qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.