Weeraro Saf ballaaran ah Oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay waxay fuliyeen silsilado weeraro ah oo lagu beegsaday ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa dowladda federaalka ee jooga qaar kamid ah degmooyinka gobolka Shabeellaha Hoose.

Difaacyada ciidamada Shisheeyaha ee degmada Awdheegle ayaa kamid ah goobaha ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerareen, waxaana rasaas culus laga dul shanqariyay askarta Shisheeyaha.

Sidoo kale, ciidamada Mujaahidiinta waxay weerareen garoonka diyaaradaha ee degmada Baraawe, halkaas oo fariisin u ah ciidamada Shisheeyaha ee duulaanka ku jooga Soomaaliya.

Ciidamada Mujaahidiinta ayaa lagu soo waramayaa in rasaas culus ay la dheceen ciidamada Shisheeyaha, dagaalkana uu in muda ah ka socday garoonka diyaaradaha ee Baraawe.

Sidoo kale, xalay waxay Mujaahidiinta weerareen baro ay ciidamada dowladda federaalka ka joogeen degmada Afgooye oo qiyaastii 30km ka fog magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Mukeyga iyo Haanta dheer oo ay ku sugnaayeen askarta dowladda federaalka ayay ciidamada Mujaahidiinta weerareen.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee dagaalladan ka dhashey, hase ahaate waxaa la aaminsanyahay iney jiraan waxyeello kala duwan oo gaartay ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Shisheeyaha.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.