Xarakada Al-Shabaab oo Qabatay Shir Weyn oo Looga Tashanayay Halganka Ka Socda Bariga Afrika. (Bayaan+Fatwo+Sawirro)

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa qabatay shir weyne wada tashi ah oo looga arrinsanayay Jihaadka ka socda Bariga Afrika kaasoo ay ka qeyb galeen mas’ulliyiin sarsare, culimo, salaadiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Shirkan oo socday muddo 5 maalmood oo xiriir ah soona gebegeboobay 19-kii bisha Rajab, ayaa waxaa si sharci ah diiradda loogu saaray Dowladda Federaalka, dastuurka ay ku dhaqanto iyo arrimo kale oo ay kamid yihiin doorashooyinka Dimuqraadiga ah.

Sidoo kale waxaa kulanka looga wada tashaday arrimo kale oo ay kamid yihiin duruufaha ay wajahayaan Muslimiinta gobolka, duullaanka milatari, kan dhaqaale iyo midka akhlaaqeed ee shisheeyahu wado. Iyo marin habaabin ay bulshadu kala kulmeyso kooxo kala duwan oo u nasab sheegta islaamka.

Ugu dambeyntii waxaa kulanka laga soo saaray Fatwo iyo Bayaan guud wuxuuna kusoo idlaaday jawi aad u qurux badan.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA, FATWADA KANA DAAWO SAWIRRADA.

Halkan ka Akhriso Bayaan Kasoo Baxay Shirka Wadatashiga Arimaha Jihaadka Bariga Afrika

Halkan ka dhagayso Bayaanka oo ku qoran Luuqadda Englishka.

Halkan ka akhriso Fatwo ay culimadu kasoo saareen xaaladda ka taagan Mandiqadda Geeska Africa.

Halkan ka dhagayso Bayaanka shirka wadatashiga  oo uu akhrinayo  Shaacirul Islaam

Halkan ka Dhagyaso Fatwada ay soo saareen Culimada oo uu Akhrinayo Sheekh Jaamac Cabdi Salaam.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.