Xerada Xalane Oo Madaafiic Xoogan lagu garaacay.

Xafiisk UN-ka ee Xalane oo burbrusan.

Guutooyinka Madaafiicda ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa madaafiic ku garaacay xerada Xalane ee magaalada Muqdisho oo ah taliska ugu weyn ee Shisheeyuhu ku leeyihiin Soomaaliya, ayna deganyihiin safaaradaha Reer galbeedka ee Soomaaliya.

Illaa shan baalooto oo ka dhacday qoriga Hoobiyaha ayaa lagu duqeeyay xerada Xalane, kuwaas oo dhamaantooda gudaha ugu dhacay xerada, waxaana jugta qaraxyadaas laga maqlayay xaafado kamid ah magaalada Muqdisho.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxaa lagu sheegtay masuuliyadda weerarka duqeynta ah, iyadoona Mujaahidiintu sheegeen inuu jiro khasaare kala duwan oo gaaray Shisheeyaha.

“Mujaahidiinta ayaa illaa 5 mafac lahelay xerada Xalane oo ay deganyihiin saliibiyiinta duullaanka kusoo qaadday dalka Soomaaliya waxaana jira khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo cadowga gaaray” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Xerada Xalane waxay dhowr jeer oo hore la kulantay weeraro duqeymo ah oo ay geysteen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxaana duqeymahaas waxyeello kala duwan kasoo gaartay cadaanka xerada degan iyo ciidamada Shisheeyaha Afrikaanta.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.