Xukun Qisaas ah oo ka dhacay Degmada Badhaadhe ee Jubbooyinka.

Maxkamadda ku dhaqanka Shareecada Islaamka ee degmada Badhaadhe wilaayada islaamiga ee Jubbooyinka ayaa riday xukun qisaas ah oo lagu fuliyay nin horey fal dil oo ula kac ah ugu geystay qof kale oo muslim ah.

Mid kamid ah Qudaada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dadweynaha degmada Badhaadhe ka hor akhiyay xukun qisaas ah oo lagu fuliyay nin lagu magacaabo Soomow Sanweyne oo horey u dilay nin la oran jiray Axmad Cabdullaahi.

Dadka xukunka usoo daawasho tagay ayaa ku dhawaaqayay Takbiirta, waxaana in la dilo Soomow codsaday ehellada Axmed Cabdullaahi oo horey uu isagu u dilay.

Maxkamadaha islaamiga ee ka jira wilaayaadka islaamiga ayaa inta badan rida xukuno xad ah, kuwaas oo lagu fulinayo dadka ku kacay falal ka hor imaanaya Shareecada Islaamka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.