AFRICOM Oo Muujisay in Corona Uu gaaray Saldhiga ay ku leeyihiin Jabuuti.

Ciidamada Maraykanka ee Africa (AFRICOM)

War kasoo baxay taliska ciidamada Maraykanka ee qaaradda Africa ayaa lagu sheegay in xaalad deg deg ah la geliyay saldhiga ciidamada Maraykanka ee dalka Jabuuti.

Michael Turello oo ah taliyaha ciidamada Maraykanka ee ka howlgala geeska Africa ayaa sheegay in xaalad feejignaan ah lagu soo rogay ciidamadooda jooga Jabuuti, si buu yiri loola tacaamulo Coronavirus ama Covid 19.

Isagoo ka gaabsanaya inuu cadeeyo in Corona uu gaaray saldhigooda Jabuuti iyo inkale ayuu Turello yiri “tallaabadan heeganka ah ayaa nasiinaysa awood dheeri ah oo aan kula tacaali karno faafitaanka caabuqa COVID19”.

Coronavirus ayaa Maraykanka wuxuu ku dilay kudhawaad lixdan kun oo ruux, wuxuuna fara ba’an ku hayaa wasaaradda gaashandhiga ee Maraykanka, inkastoo ay aad u qarineyso.

 

You might also like
2 Comments
  1. Abuufatima says

    Ilaahay corona idinkama kiciyo

  2. Abuufatima says

    Kud kaar dhukaan wabaa qaaxo cudurkastoo jira Ilaahay idinku salad

Leave A Reply

Your email address will not be published.