Banaanbaxyo ka dhan ah Dowladda Federaalka Oo ka socda Muqdisho.

Degmooyinka Shangaani iyo Boondheere oo katirsan gobolka Banaaadir ayaa waxaa ka soconaya banaanbaxyo xoogan oo ay dhigayaan dad shacab ah oo ka careysan fal dil ah oo habeenkii xalay askari katirsan ciidamada Booliiska uu u geystay labo ruux.

Dadweynaha oo u badan dhalinyaro ayaa taayaro ku gubay wadooyin muhiim ah oo katirsan labada degmo, waxaana ay ku qayla dhaaminayaan hadallo ka dhan ah ciidamada Dowladda federaalka iyo madaxdooda.

Dadka ayaa sheegaya iney ka xunyihiin fal dil ah oo habeenkii xalay askari katirsan saldhiga booliiska degmada Boondheere uu u geystay wiil dhalinyaro ah iyo haweeney umul ahayd, taas oo lagu magacaabo Madiina Cabdullaahi Cabdi.

Dowladda federaalka oo isku dayaysa iney dejiso carada shacabka ayaa sheegtay in askariga dilka geystay la xiray, balse waxaa muuqaneysa in Shacabku aaney taasi rumeysan oo ay sii wadaan dibad baxyadooda.

Falka dilka ah ee loo geystya labadan ruux ayaa imaanaya iyadoo dowladda federaalku sheegtay in bandow ay kusoo rogtay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, xilli weliba lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

You might also like
1 Comment
  1. Yasir Abdullahi Osman says

    Allah ha unxriisto dadkaan xaqadarada lagu dilay, waxaan si aad igu xumahay habeeneyda burka laheed waa wax laga xumaado run ahaantii

Cancel Reply

Your email address will not be published.