DEG-DEG: Rag Basaas ah Oo lagu dilay Fagaare ku yaala Jamaame.

Wararka ka imaanaya degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose ayaa ku waramaya in maxkamadda islaamiga ee wilaayada Jubbooyinka ay fulisay xukun dil ah oo lagu oogay rag basaas u ahaa sirdoonnada Dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada.

Ragga basaaska u ahaa  Dowladda federaalka iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada  ee Jamaame lagu toogtay ayaa waxay tiradoodu gaareysa lix ruux, waxaana fagaaraha isugu yimid dadweyne aad u farabadan oo ku faraxsanaa xukunka.

Qaadiga ayaa faahfaahin ka bixiyay shaqooyinkii ay hayeen 6-dan xubnood ugu dambeyntiina wuxuu sheegay in xukunkoodu uu yahay “Xaddu-riddah”

Magacyada Basasiinta iyo Sirdoonnada ay u shaqeynayeen ayaa ah sidatan:

Maxamada Iidow Aadan oo loo yaqaano Tareeso, wuxuu u shaqeynayay Sirdoonka Dolwadda federaalka.

Aadan Cabdullaahi Xaaji Aadan Boorow, wuxuu u shaqeynayay sirdoonka Dowladda federaalka.

Cusmaan Cabdulle Afrax oo u shaqeynayay Sirdoonka Dowladda federaalka.

Xassan Hafow Saney wuxuu u shaqeynayay sirdoonka maamulka Jubbaland.

Maxamada Cali Madkeerow (Qoryooley) wuxuu u shaqeynayay Sirdoonka maamulka Koonfur galbeed.

Hilowle Bashiir Aadan oo u shaqeynayay Sirdoonka maamulka Koonfur Galbeed.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.