Dhegeyso Alshabaab oo ka hadashay cudurka karona

Afhayeenka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Maxamuud Raage(Sheekh Cali dheere) oo warbaahinta la hadlay ayaa si qota dheer u faah faahiyay cudurka  karoona ee caalamka dad badan ku laayay kuwa kalena isbitaalada la jiifaan.

Sheekh Cali dheere waxa uu sheegay in cudurkaani uu yahay ciqaab iyo canaan adoomada uga timid Allaah Subxaanu watacaalaa si uu u xasuusiyo dulmiga iyo macaasida ay faraha kula jiraan, si ay u ogaadaan in cadaab kan ka adagi uu dambeeyo.

Sheekh cali dheere waxa uu soo hadal qaaday dulmiga shisheeyha sida shiinaha, Maraykanka iyo reer galbeedka kale dhibaatooyin u geysteen MuslImiinta sidaa aawgeedna ay tahay in in lagu farxo jabka soo gaaray.

waxa uu hoosta ka xariiqay in ay tahay in Muslimiintu ka digtoonaadaan Shisheeyuhu si  dhagareysan karoona ugu faafiyo.

wuxuu sheegay in cudurka karoona ee muqdisho ka dilaacay uu yahay mid shiheeyuhu horseed ka ahaayeen oo ay dadka ku faafiyeenasigoo xusay in qofkii koowaad ee cudurka laga helay ka mid ahaa kuwa ka howl gal dhismaha xalena oo shisheeye cadaan iyo madow leh degan yihiin.

Halkaan ka dhegeyso codka sheekh.Cali Dheere_

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.