Dilal iyo Howlgallo ka dhacay Muqdisho, Hiiraan iyo Shabeellaha Hoose.

Saacadihii laso dhaafay, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab noocyadooda kala duwan waxay fuliyeen weeraro qorsheysan oo ka dhan ah ciidamada Dowladda federaalka, maamul goboleedyada iyo Shisheeyaha.

Muqdisho, waxaa xaadda Tabakayo Madow ee Madiina lagu dilay askari dhar cad ah oo katirsan ciidamada Sirdoonka Dowladda federaalka, kaas oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Maxa’ed.

Sidoo kale duleedka magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay labo askari oo katirsan ciidamada Dowladda federaalka.

Baladweyne, xarunta gobolka Hiiraan waxaa iyana lagu toogtay askari katirsan ciidamada maamulka Hir Shabeelle, kaas oo laga furtay qori iyo buush uu watay.

Dhanka kale, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabab ayaa degmada Jannaale waxay ku weerareen ciidamada Shisheeyaha ee duulaanka ku jooga.

Weerarka oo dhacay aroornimadii hore ee saaka ayaa socday in muda ah, waxaana ciidamada Mujaahidiinta ay rasaas cul culus ku dhooobeen difaacyada Shisheeyaha.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.