Duqeymo Khasaare Dhaliyay Oo lagu Garaacay Xalane.

Xafiisk UN-ka ee Xalane oo burbrusan.

Guutooyinka Madaafiicda ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa duqeymo xoogan waxay ku garaaceen saldhiga ugu weyn ee uu Shisheeyuhu ka deganyahay Soomaaliya, kaas oo ah xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Duqeynta oo ahayd mid culus, islamarkaana si isku xig xigta usoo dhaceysay ayaa ku dhacday gudaha xerada Xalane, waxaana lagu soo waramayaa iney dhalisay khasaare kala duwan.

Shisheeye cadaan iyo madow isugu jira ayay waxyeello kasoo gaartay duqeyntan oo aroornimadii hore ee saaka lagu garaacay xerada Xalane.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay si buuxda u sheegatay masuuliyadda duqeynta saldhiga Xalane oo ay deganyihiin safaaradaha reer galbeedka ee hurinaya dagaalka ka dhanka ah umadda Soomaaliyeed.

Waxay kusoo aadeysaa tani, iyadoo dhawaan ciidamada Madaafiicda ee Xarakada Al-Shabaab ay duqeyn ku garaaceen garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, taasoo dhalisay waxyeello kala duwan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.