Golaha Kumeel gaarka Yemen Oo ku dhawaaqay Afgembi ka dhan ah Haadi.

Xaaladda dalka Yemen waxay sii galeysaa isbedello horleh, kadib markii golaha kumeel gaarka ee koonfta uu ku dhawaaqay maamul hoosaad gooni goosad ah oo ka arimin doona gobollada dhaca koonfurta dalkaas.

Saqdii dhexe ee habeenkii xalay oo Axad ahayd, ayaa bayaan kasoo baxay golaha kumeel gaarka waxaa lagu sheegay in maamul hoosaad looga dhawaaqay magaalada Cadan, taasi oo ka dhigan tallaabo dalka intiisa kale looga jarayo gobollada Koonfureed.

Bayaanka kadib, waxaa dhaqaaqay malleeshiyaadka kooxdan, kuwaas oo isku fidiyay magaalada Cadan iyo deegaanno kale oo muhiim ah, waxayna si gaar ah isugu howlayeen iney la wareegaan bankiga dhexe ee Cadan.

Bankigan waxaa gacanta ku haya oo waardiyeeya ciidamo katirsan maamulka Aala-Sucuud, hase ahaatee malleeshiyaadka golaha kumeel gaarka ah ee koonfureed uma suuragelin iney la wareegaan bankiga, keliyana waxay kusoo rogeen go’doon.

Gudoomiyaha golaha kumeel gaarka ah ee hadda ku dhawaqay maamul hoosaadka ninka lagu magacaabo Cadyaruus Az-Zabiidi oo gacan saar dhow la leh dowladda Imaaraadka Carabta ayaa shaaca ka qaaday in xaalad deg deg ah lagu soo rogay koonfurta dalka Yemen.

Wuxuu isbaheysiga uu hogaamiyo maamulka Aala-Sucuud iyo xukuumada Cabdi Rabbi Haadi Mansuur ku eedayay inaaney waxba ka qaban qodobadii lagu heshiiyay shirkii Riyaad, isagoona intaa ku daray in xitaa xukuumaddu ay diiday iney bixiso mushaaraadka ciidamada.

Horay ayuu Caydaruus uga mamnuucay magaalada Cadan iney kusoo laabato golaha wasiirada iyo shaqadii dowladda Cabdi Rabbi Haadi Mansuur, waxaana tallaabada uu hadda qaaday dad badan ku tilmaameen inay ahayd mid la wada filayay.

Inkastoo tallaabadan inqilaabka ah ay ku dhawaaqeen golaha kumeel gaarka, hadana siyaasiyiinta iyo dadka wax ka qora arimaha Yemen waxay sheegayaan in xilligan la joogo aaney goluhu awoodin inuu si toos ah ugu dhawaaqo in koonfurta Yemen laga jaro dalka intiisa kale.

Dadka Yamaniyiinta ah ee dega koonfurta ayaa dhibaato ku qaba malleeshiyaadka Imaaraada Carabta daacadda u ah, waxaana sidoo kale ay diidanyihiin in la kala jaro dalka.

Arintan ayaa kusoo aadeysa iyadoo dhawaan isbaheysiga uu hogaamiyo maamulka Aala-Sucuud uu ku dhawaaqay xabad joojin soconeysa bisha barakeysan ee Ramadaan, taasi oo aaney muuqan dhaqan galkeeda.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.