Howlgallo Kala duwan Oo Saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay Gobollada Dalka.

Saacadihii lasoo dhaafay, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay qaadeen weeraro kala duwan oo beegsaday ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa dowladda federaalka ee ku kala sugan qeybo kamid ah dalka.

Muqdisho, Qaraxyo xoogan ayaa ka dhacay xaafadaha Black sea iyo wadada warshadaha, kuwaas oo lala beegsaday ciidamo katirsan Dowladda federaalka.

Qaraxyadan waxay dhaliyeen khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac oo gaaray ciidamada lala beegsaday.

Dhanka gobolka Shabeellaha Hoose, ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday ciidamada dowladda federaalka ee jooga deegaanka Sabiid ee duleedka Afgooye.

Weerarka waxa uu ahaa mid abaabulan oo qorsheysan, waxaana la rumeysanyahay inuu dhaliyay khasaare kala duwan oo gaaray ciidamada dowladda federaalka.

Hoosingow oo iyadana katirsan gobolka Jubbada hoose, waxaa lagu weeraray ciidamo katirsan kuwa Kenyaatiga ee xooga ku jooga deegaankaas.

Weerarka waxa uu ahaa mid xoogan oo in muda ah soconayay, waxaana ciidamada Mujaahidiinta ay ka dagaalameen afaafka hore ee sadlghhiyada ciidamada Shisheeyaha.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.