Lix (6) Arrimood oo Ciidanka Al-Shabaab Uga Soocan Yihiin Ciidamada Dowladda.(MAQAAL)

Sheekh Abuu Cubeyda-amiirka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shaabaab- oo sagootinaya raggii weeraray Bellidoogle

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamad C/llaahi Farmaajo ayaa 2017-kii khudbad uu jeediyay ku sheegay in ciidanka dowladda aysan lahayn caqiido ay ku dagaal galaan, garaneyn hadafka ay higsanayaan taasna sababtay in ay waayaan geesinimo ku dhiiragelisa la dagaalanka cadowgooda.

 

 

 

Wargeyska Foreign Policy ayaa isna 2018 qoray maqaal uu cinwaan uga dhigay “Somalia Is a Country Without an Army” oo micnaheedu yahay “Soomaaliya waa wadan aan ciidan lahayn” kaas oo uu ku faaqiday taagdarada iyo tayo xumada heysata ciidanka qaranka Soomaliya, wuxuuna soo xiganayaa khubaro iyo diblumaasiyiin reergalbeed ah oo sheegaya in ciidanka iyo saraakiisha dowladu yihiin kuwa aan anshax lahayn, gaboodfal badan, astaana u ah musuqa iyo qabyaaladda.

 

 

 

Warbixinta wargeyskan laga leeyahay Mareykanka iyo khudbada madaxweyne Farmaajo, kuma ekeysan kaliya cambaareynta ciidanka qaranka balse waxay kaloo soo hadal qaadeen hab-dhismeedka iyo howlkarnimada ciidanka Al-Shabaab, iyagoo ku tilmaamay ciidan adag, caqiido dagaal leh, kana dhiiran askarta dowlada.

 

 

Aragtidan ayaa ah mid ay qabaan shisheeyaha daraaseeya siyaasada Soomaaliya, balse su’aashu waxay tahay maxaa ciidanka Al-Shabaab ka dhigay cudud military oo walwal ku abuurta cadowgooda gudaha iyo midka dibadda? Maxaase sababay in dowladaha reergalbeedka ah ay quus ka muujiyaan waxtarka ciidanka xooga dalka Soomaaliya, taliskiisana ku eedeeyaan inuu ragaadiyey musuqmaasuq, dishibilaan xumo, iyo qabyaalad?

 

Waxaan qormadan kusoo gudbinayaa lix arimood oo ay ciidanka Al-Shabaab kaga duwan yihiin ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed (CXDS).

 

1-Tababar iyo Taageero Kama Helaan Dowlado Shisheeye.

 

Ciidanka Al-Shabaab wax xiriir ah lama lahan dowlado shisheeye inta la ogyahay, sidoo kale tababaro iyo taakulo uma fadiso dowlada Mareykanka. Waa ciidan isku tashaday, hoggaanka Al-Shabaab wuxuu ku dadaalaa inuu iska ilaaliyo saameynta shisheeye.

 

Tani waxay kooxdu u suuragelisay inay dhisaan ciidan mabaadii leh, cadowgoodana garanaya, xogtooda iyo qaab dhismeedkoodu uruursan yahay, ayna adag tahay in la saadaaliyo qorshahooda dagaal.

 

 

Shabaab waxay ciidankoodu ku tababaraan caqiido ay gundhig u tahay waxa ay culimada Islaamku u yaqaanaan “Al-Walaa wal Baraa” taas oo kooxda u suuragelisay inay dhisaan ciidan ay aaminsan yihiin inuu ku dayanayo saxaabadii nabiga NNKH. Kooxda waxaa safkeeda kusoo biiri kara qofkasta oo Muslim ah, colna la ah dhammaan dowladaha aan Muslimiinta ahayn.

 

 

Waxay guutooyinkooda ugu magac daraan saxaabadii nabaigeena suuban NNKH sida Khaalid ibnul Waliid, Sacad Ibnu Abii Waqaas iyo Usama bin Zeyd, ciidankoodana waxay ku tarbiyeeyaan dhaqankii nabiga iyo saxaabada -Allaah haka raalinoqdee.

 

 

Ciidanka dowlada Federalka, waa ciidan tababarkiisu ku tiirsan yahay Kenya, Itoobiya iyo NATO, taakuladiisuna katimaado Mareykanka, Guuto kastaana ku abtirsato qoladii soo tababartay. Waxaad maqleysaa ciidanka Alpha Group, ama ciidanka Turkiga soo tababaray, kuwa Imaaraatka, Bancroft, Koobi Axmaar iyo wixii lamid ah.

 

 

Dalka Soomaaliya waxaa ku sugan dowlado iyo ururo caalami ah sida Mareykanka, Ingiriiska, UN, NATO, iyo midowga Africa (AU) kuwaas oo dhamaantood garabsiiya dowlada Federalka, waxey ku guuldareysteen inay ciidan tayo leh u dhisaan Soomaaliya, halka Xarakada Al-Shabaab oo ah koox go’doonsan, dunidana aan aqoonsi caalami ah ka heysan, dagaallona ku furan yihiin ay ku guuleysatay inay dhisto cudud ciidan oo aan la dhayalsan karin una babacdhigtay dhammaan weeraradii kaga imanayey Mareykanka iyo AMISOM.

 

 

Saraakiil hore oo ka tirsanaa nidaamkii Siyaad Barre iyo falanqeeyayaal military oo aan la sheekeystay ayaa ka simanaa iney is weydiinayeen Su’aasha ah: waa ayyo ciidanka difaaci kara mustaqbalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed, soona celin kara sharaftii uu wadanku lahaa.

 

2-Ciidanka Al-Shabaab Malahan Wax Balwad Ah

 

Qodobka labaad ee ay ciidanka Al-Shabaab uga duwan yihiin kuwa dowlada Federalka iyo maamul goboleedyada waa in aysan lahayn wax balwad ah, caqligooda, akhlaaqdooda iyo caafimaadkooduna uusan carqaladeyn isticmaalka maan-dooriyaha iyo mukhaadaraatka dilooday askarta dowladda.

 

Maandooriyaha ayaa kamid ah waxyaabaha ugu badan ee halista ku ah nolosha ciidanka, wuxuu hoos u dhigaa badqabka caafimaad ee askariga, awoodda jirkiisa, waxay dhaawacdaa akhlaaqdiisa iyo dhaqankiisa, waxay ku hoggaamisaa inuu ku takrifalo hubka iyo dareeska uu xambaarsan yahay, una adeegsado waddo khaldan.

 

Ciidanka dowladda Federalka ayaa aad u isticmaala maandooriyaha jaadka, sigaarka, tubaakada, khamriga iyo shiishada, taas oo ku hogaamisay in ay noqdaan kuwa u nugul la dagaalanka Al-Shabaab, kasoo cararaya fagaarayaasha dagaalka, kuna soo biyo shubtay dhaca, boobka iyo kufsiga ka dhanka ah dumarka.

 

 

 

Sanadihii lasoo dhaafay waddooyinka isku xira Muqdisho iyo Baydhabo, Muqdisho iyo Marka waxaa caadi ka noqday dhaca, boobka iyo kufsiga ay geysanayaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, waxaa arrintan xaqiijiyey mas’uuliyiin ka tirsan dowlada iyo xildhibaanada golaha shacabka.

 

Al-Shabaab deegaanada ay ka taliso way ka mamnuucday maandooriyaha, dad aan kala xiriiray waxay ii sheegeen in ganaax adag la dul dhigo qofkii lagu arko isagoo isticmaalaya ama ka ganacsanaya, marka laga hadlayo ciidankana maba qortaan askari balwad leh iyo mid maandooriye isticmaala sida ay sheegeen dad Al-Shabaab horay uga tirsanaan jiray.

 

 

Waxaa lagu tilmaamaa askariga Shabaabka ah mid caqli ahaan, caafimaad ahaan iyo jismi ahaanba ka fiyow askariga ka tirsan ciidanka xoogga dalka Marka laga hadlayo la dhaqanka bulshada.

 

 

 

“Askariga police-ka ah ee Al-Shabaab waxaad arkeysaa isagoo ku milan bulshada, shacabkana ka heysta kalsooni ay kula mucaamilaan, halka askariga dowlada aad arkeyso isagoo takooran, bulshaduna ay ka dideyso” sidaas waxaa igu yiri ganacsade ka shaqeysta dhoofinta mooska.

 

 

Cawil Aadan waa darawal ka shaqeeya inta u dhaxeysa muqdisho iyo baydhab wuxuu ii sheegay in walwalka ugu badan uu soo wajaho marka ay soo gaaraan koontaroolada ay ka taliyaan ciidanka dowlada. “markaad aragtid ciidanka dowlada waxaa kugu beermaya walwal iyo walaac, waxaa dhaqan u ah kufsi, boob, baad iyo naxariisdaro” ayuu ii raaciyay.

 

 

3- Malahan Garaado Lagu Kala Sooco Askariga iyo Sarkaalka.

 

 

Ciidanka Al-Shabaab waxaa lagu dagaal geliyaa Allaah ka cabsi, diin iyo caqiido, halka ciidanka dowlada waxa ugu weyn ee lagu dhiirageliyo ay tahay in la dalacsiin doono, garaadooyin ciidanna lagu xardhi doono, sidaas darteed askarigu wuxuu higsanayaa inuu sii noolaado si uu ugaaro darajada uu joogo taliyihiisa, kolkaas oo uu ku takrifali doono ciidanka ka hooseeya.

 

 

Arintan waxay ciidanka dowlada Federalka ka dhigtay kuwa guusha u arka iney noolaadaan, geerida ka cararaya, tusaalena ka dhiganaya taliyaha isaga ka sareeya ee dulmiga, gaboodfalka iyo duudsashada ku dalacay.

 

Ciidanka Al-Shabaab wax tixgelin ah ma siiyaan in la dalacsiiyo mana isticmaalaan waxa loogu yeero garaadooyinka ciidan, waxaad arkeysaa boqolaal askar ah iyo saraakiishooda oo tuuteysan, garaadana ku taxneyn ayna adag tahay inaad kala soocdid, calaamada kaliya ay la gaarka yihiin ciidanka Al-Shabaab ayaa ah koob cagaar ama buluug ah oo suran garabka askarta. Lama garan karo ujeedada ka dambeysa inay garaadooyinka ka tagaan, galaasyadana garabka ku xirtaan!

 

4-Hoggaan iyo Ciidan Isku Kalsoon
Qodobka 4aad ee ciidanka Al-Shabaab kaga duwan yihiin kuwa dowlada Federalka waa in ay heystaan hoggaan iyo ciidan isku kalsoon oo aan ku dhisneyn qaab qabiil, Mararka qaar way dhacdaa in la helo kala aragti duwanaan kooxda dhexdeeda ah balse marnaba ma dhacdo in la arko ciidan ka wada tirsan Al-Shabaab oo dagaalamaya ama u kala qeybsamay qaab qabiil.

 

 

Waa ciidan hadafkiisu u cad yahay, nidaam iyo kala dambeyn leh, dano shakhsi iyo mid qabiil ka ilaaliyey safkooda. Soomaaliya oo ah dal uu ragaadiyey dagaal sokeeye lagama soo helayo cudud military oo qaabkan u dhisan, ka bad-baaday qabyaalada, ciidana ka heshay dhamaan qabaa’illada Soomaaliyeed.

 

Ciidanka dowlada Federalka waxaa lagusoo xulaa qaab qabiil, waxaa jagooyinka loogu qeybiyaa hab qabiil, Saraakiisha qaarna waxaa xilka loo magacaabaa iyagoo wata hubkii iyo maleeshiyaatkii qabiilka.

 

 

Waxaan badanaa warbaahinada gudaha iyo shabakadaha Internetka ka maqalnaa maleeshiyaat ka wadatirsan dowlada oo dagaalamay, kuwa qaab qabiil u kala saftay oo is horfadhiya, iyo saraakiil dowladeed oo hogaaminaya dagaal beeleed ka socda wadanka.

 

5-Waxay Heystaan Koox Naftood Hurayaal ah
Arrimaha ay la gaarka yihiin ciidanka Al-Shabaab waxaa kamid ah: in ay leeyihiin koox lagu magacaabo “Guutada Istish-haadiyiinta” waa ciidan sooma jeestayaal ah oo fuliya howlgalada gaarka ah, kuwaas oo beegsada goobaha aadka loo ilaaliyo ee aan la geli karin, howshoodu waa inay khasaare lixaadleh gaarsiiyaan cadowgooda, iyagana la dilo, si ay u gaaraan yoolka ah Shahaado. Shahaada ayaa ah ererybixin loo yaqaan qofka lagu dilo dagaalka u dhaxeeya muslimiinta iyo gaalada, waxayna culimadu inoo sheegeen iney tahay darajo sare oo Rabbi siinayo qofkii gaalada isagoo la diriraya la dilo. Al-Shabaab waxay aaminsan yihiin in dagaalka Soomaaliya uu yahay mid u dhexeeya gaallo iyo muslimiin.

 

Wey adagtahay in la helo askari ama sarkaal ka tirsan ciidanka dowlada Federalka oo diyaar u ah inuu naftiisa huro, khasaare culus gaarsiiyo cadowgiisa, si ay guul u gaaraan asxaabtiisa ka dambeysa. Waxaa aad u adag in la helo xal looga hortegi karo ciidanka naftood hurayaasha ah ee Al-Shabaab, waxey muujisay caqiidada adag ee lagu tababaro xubnaha ka tirsan kooxda.

 

 

Waxay weerarkii ugu khasaaraha weynaa ee ugu dambeeyay ka geysteen xerada military ee Mareykanku ku leeyahay Kenya. Culeyska amni ee ugu weyn ee Africa la daalaa dhaceyso ayaa ah xal u helida awooda sii baaheysa ee Al-Shabaab. Soomaali badan oo ay ku adag tahay iney ku biiraan kooxda ayaa ku faana dhiiranaanta ciidanka Al-Shabaab.

 

6- Dagaalkooda oo ay u Arkaan Jihaad.

 

 

Ciidanka dowladda waxay ku jiraan dagaal aan ujeedo lahayn hadafkiisuna caddeyn, ma garanayaan waxay ay u dhimanayaan iyo nooca dagaalka ay ku jiraan, taasna waxaa laga akhrisan karaa hadalada madaxdooda iyo siyaasiyiintooda oo isku khilaafsan halku dhiga dagaalkooda, qaarkood ayaa ku sheegaya halgan gobanimo doon ah, kuwa ayaa ku tilmaamaya mid argigixiso la dirir ah, halka qaarka kalena ay ku qeexaan mid wadani ah.

 

 

Balse Al-Shabaab ayaa taasi ka duwan, waxay aaminsan yihiin hal fikir oo ah inuu dagaalkoodu yahay Jihaad, askarigii lagu dilaana yahay shahiid. Asbaabaha ay u cuskadeen inuu halgankooda yahay Jihaad waxay ku sheegeen inuu dalku qabsaday gumeyste, kuna soo duulleen ciidamo shisheeye, taasna ay kamid tahay arimaha Jihaadka ka dhigaya waajib ceyni ah sida ay qabaan fuqahada muslimiinta.

 

 

Culimo Soomaali ah oo aan la sheekeystay ka hor inta aanan maqaalkan qorin waxay ii sheegeen in waxa ay ku doodayaan Al-Shabaab uu leeyahay asal-diineed, waaqica kajira wadankana uu sii xoojinayo aragtidooda.

 

 

Qabsashada waqooyi bari (NE Kenya) iyo Somali-Galbeed, kumanaanka ciidamada Itoobiyaanka iyo Kenyaatiga ah ee hadda ku sugan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, maamul-goboleedyada laga hirgeliyey wadanka ee hoostaga labadaas dowladood, siyaasiyiinta u leylisan reergalbeedka ayaa astaan u ah gumeysiga uu ku jiro dalka sida ay aaminsan yihiin Al-Shabaab, waxayna inta badan kooxdu dadka Soomaaliyeed kusoo jiidataa khudbado iyo hadallo guubaabo ah oo ay ku lifaaqan yihiin aayadaha quraanka kariimka, axaadiith-ta nabigeena NNKH iyo gabayadii xurnimo doonka, si ay dadka ugu qanciyaan inuu dagaalku yahay Jihaad gobanimo doon ah.

 

Mar aan meel kuwada shaaheynay mid kamid ah aqoonyahanka Soomaaliyeed, oo lagu tiriyo inuu ka mid yahay dadka aadka uga soo horjeeda ururka iyo afkaartiisa ayaa ii sheegay iney aad u sahlan tahay in laga adkaado Al-Shabaab hadey ka tanaazulaan hal qodob oo ah isku xukunka kitaabka quraanka, wuxuu ii raaciyey “culimada soomaaliyeed ee ina taageera waxaa aad ugu adkaaday iney helaan jawaab lagu bushin karo isku xukunka shareecada”.

 

Gunaanadkii; Waxaa aad u adag in laga guuleeysto Al-Shabaab inta ay mideysan yihiin, garsoor hufan iyo cadaalad dadka ku kala saarayaan, taakulada dowladaha shisheeya ka madaxbanaan yihiin, ciidankoodu uusan tababare u aheyn sarkaal ka socda Itoobiya iyo Kenya, hadafka ay u dirirayaana ku saleysan yahay diin.

 

Waxaan shaki ku jirin inay kooxdu wajaheyso cadaadis military mid dhaqaale iyo mid siyaasadeed intaba, waxaa sidoo kale hubaal ah inay u dhabar adeygayaan culeysyadaas. Waxaase isweydiin mudan ilaa intee ayey Al-Shabaab ku sii taagnaan karaan siyaasadahan ay diidan yihiin reergalbeedka, ku difaacan karaan jiritaankooda, ugana guuleysan karaan dowladaha ay colaada kala dhaxeyso sida Kenya iyo Itoobiya.

 

Cabdi Risaaq Xaaji Xuseen
Stockholm, Sweden

 

 

 

 

 

 

 

You might also like
2 Comments
  1. MUSAAB says

    Well,

  2. Nasrudiin_Islaami says

    Qodobooyinka qaarkood caadi ma’ahan waa mid icajab gelisay xaqiiqda ayaa taabateen dawlada farmaajo hadii ay sidaasi iyo si’ka wanaagsa ku dhaqanto waa hubaal iney guuleysan doonto

Leave A Reply

Your email address will not be published.