Madaafiic Lagu Garaacay Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.

Guutooyinka Madaafiicda ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa duqeymo xoogan oo hoobiyaal loo adeegsaday ku garaacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho oo kamid ah goobaha ay Shisheeyuhu ka deganyihiin Muqdisho.

Ugu yaraan Toban hoobiye ayaa ku dhacday gudaha garoonka diyaaradaha, waxaana ay si gaar ah u bartilmaameedsadeen goobo xasasi ah oo kamid ah garoonka.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda duqeyntan lagu garaacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Horay waxay guutooyinka Madaafiicda ee Xarakada Al-Shabaab marar badan u duqeeyeen xarumaha Shisheeyaha ay ka deganyihiin magaalada Muqdisho oo ay ku jirto xerada Xalane.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.